warar dheeraad ah oo ka soo baxay qaraxii qasaaraha badnaa ee ka dhacay maqaaxi lagu qaxweeyo
Faah faahin dheeraad ah ayaa idinkaga heynaa laba qarax oo ismiidaamin ah oo galabta abaaro 5:50-daqiiqo ka dhacay baar ku yaala banaanka hore Guriga Hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo ay fuliyeen laba nin oo isa soo miidaamiyey ayaa waxa lala beegsaday goob ay ku shaahayeen wariyaal isugu jira kuwa Radio Muqdisho iyo saxafiyiin kale oo u shaqeeya idaacadaha kale ee magaalada magaalada.
Saxafiyiinta la xaqiijiyey in ay geeriyoodeen waxaa ka mid ah Madaxa Wararka ee TV-ga Qaranka Liibaan Cali Nuur, wariye C/sataar Daahir Sabriye oo isna ka mid ahaa wariyaasha Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka, warar kalana waxay leeyihiin in wariyaasha dhintay uu ka mid yahay agaasimihi Radio VOD ee magaalada Muqdisho C/raxmaan Yaasin.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ah wariyaasha dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah C/laahi Suldaan oo ka tirsan Radio Kulmiye, Biibaaye oo ah wariyaha Isboortiga ee Radio Muqdisho, Gentleman oo ah sawirqaade ka tirsan TV-ga Qaranka iyo saxafiyiin kale.
Sidoo kale weerarkaasi waxaa ku dhintay 8 kale oo rayid ah oo ka mid ahaa dadki ku sheekeysanayey kuna shaahayey baarka Hooyooyinka oo ku yaala kasoo horjeedka xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.
Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa la kala dhigay isbitaalada Madina iyo isbitaalka Daarul Shifa ee magaalada Muqdisho, waxaana hada soo baxaya warar sheegaya in dadka qarkood ay u dhinteen dhaawaci soo gaaray.
Xaruntaasi ayaa waxaa galbihi shaah iyo sheeko isugu imaan jiray wariyaasha kala duwan ee Magaalada Muqdisho haba ugu badnaadeen saxafiyiinta Radio Muqdisho, waxaa kale oo imaan jiray madax ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya iyo dadka degan xaafadaha u dhaw dhaw.
Short URL: http://aadanyabaal.com/?p=2180
